Halganka Nolosha: Casharro Dhiirigelin iyo Sida Guul Looga Gaadho Caqabadaha

Noloshu waa safar dheer oo ay ka buuxaan farxad, murugo, guul iyo guuldarro. Qof kasta wuxuu leeyahay waayo-aragnimo u gaar ah, balse waxa isku mid ah waa in qof kastaa wajaho caqabado iyo halgan. Halganka nolosha ma aha wax laga cararo, balse waa dariiq aan ku baranno dulqaad, geesinimo iyo sida aan u noqon karno kuwo guulaysta.

Halganka Waa Qayb ka Mid ah Guusha

Marka aan maqallo erayga “halgan” inta badan wuxuu maskaxda ku keenaa dhib iyo xanuun. Laaakiin dhab ahaantii halganku waa waddo lagu gaaro guul. Dadka caan ka noqdey aduunka maanta, laga bilaabo hal-abuurayaasha, culimada, ganacsatada ilaa siyaasiyiinta, dhamaantood waxay soo mareen halgan dheer oo adag.

• Nelson Mandela wuxuu xabsi ku jiray 27 sano, balse dulqaadkiisa iyo halgankiisa wuxuu ugu dambayn sababay in uu noqdo madaxwayne iyo halyey adduunka oo dhan lagu xasuusto.

• Malala Yousafzai, gabadha yar ee pakistani ah, waxay wajahdey khatar nafteeda ah balse waxay ku adkaysatey waxbarashadeeda. Maanta waa astaanta geesinimada gabdhaha.

• Xitaa qofkaaga deriska tihiin ee manta guulaystay wuxuu hubaal soo maray caqabado uu ku adkaystay.

Casharku waa : Halgankaagu wuxuu noqon karaa jaranjaro guul weyn ku gaarsiisa.

Caqabadaha Nolosha : Maxay Inooga Dhigan yihiin?

Caqabaduhu waxay na barayaan:

  1. Dulqaad- Adigoo barta inaad sugto waqtiga ku habboon.
  2. Awood gudaha ah- Waxaad ogaaneysaa inaad ka xoog badan tahay inta aad moodaysay.
  3. Kalsooni- Markaad guul ka gaarto caqabad, naftaada ayaad ku kalsoonaaneysaa.
  4. Xigmad- Waxaad ka barataa casharro aan laga helin buugaagta.

Waxaa jirta xikmad oranaysa:

“Guuldarradu maaha dhamaadka safarka, waa tilmaame muujinaya waddo kale oo aad qaadi karto.”

Sida Looga Guulaysto Halganka Nolosha

1. Ujeedo Cad Yeelo

Haddii aad rabto inaad ka gudubto caqabado, waa in aad leedahay ujeedo cad. Qof aan lahayn hadaf wuxuu la mid yahay doon badda ku wareegaysa oo aan lahayn jiheeye.

2. Ha Ka Baqan Guuldarrada

Guuldarrooyinka waa cashrro.
Dadka guulaysta waxay guuldarrada u arkaan tijaabo. Markaad ku dhacdo, dib u istaag oo ka fikir sababta, kadibna isku day mar kale.

3. Ku Xidhnaw Dad ku Dhiiri galiya

Qof kaligiis wax badan ma gaadho.
Laakiin marka aad ku hareerto dad ku dhiirigalinaya, kugula taliya, ama kugu taageera, waxaad dareemaysaa xoog badan oo kaa caawiya inaad horey u socoto.

4. Rumeyso Riyadaada

Riyadaada waa khariidadda mustaqbalkaaga. Dad badan ayaa ku odhan kara ” ma suuro galeyso”, laakiin haddii aad adigu rumaysato riyadaada oo aad dadaasho, cidna ma joojin karto.

5. Sabir iyo Adkaysi

Wadada guusha ma aha mid toosan. Waxay leedahay hoos iyo kor, mararka qaarna aad bay u adkaanaysaa. laakiin dulqaadka iyo adkaysigu waa furaha guusha.

Qiso Gaaban oo dhiiri galin ah

Ahmed waa wiil ku korey tuulo yar. Qoyskiisu ma awoodin inay ka bixiyaan waxbarasho fiican, laakiin isagu wuxuu lahaa ujeedo oo cad: inuu noqdo ganacsde. wuxuu buugaagta ka amaahan jiray maktabadaha sababtoo ah muu awoodeyn qarashka buugaagta.

Marar badan wuu niyad jabey, marar wuxuu maqley “adigu ma gaadhi doontid.
Laakiin isagu ma quusan wuu ku adkaystay yoolkiisa. Manta Ahmed waa ganacsade wayn oo dadkiisa wax kusoo kor dhiya, Wuxuuna noloshiisa tusaale u noqdey boqolaal qof oo kale.

Casharku waa: Halgankaaga maanta wuxuu noqon karaa dhiiri galinta qof kale barri.

Caasharro Aan Ka baranay Halganka Nolosha

⁕ Caqabadaha waa fursado la qariyay.
⁕ Guushu waxy u baahan tahay dulqaad iyo joogtayn.
⁕ Halganka adag wuxuu dhalinayaa guul macaan.
⁕ Naftaada aamin, xitaa hadii cid kale ku aaminsaneyn.

Fariin Dhiiri Galin Ah

Haddii aad maanta ku jirto xaalad adag, xasuuso in dad badan oo maanta guulaystay ay soo mareen halganka adag. Noloshu waa tijaabooyin isdaba-joog ah.
Ha quusan, haka harin, hana iloobin in nolosha macaan ay ka dhalato halgan adag.

Guntii iyo Gabogabadii

Ceelna kuuma qodna ciidanna kuuma maqna, Naftaada mas’uuliyadeeda adey ku saarantey cid kale ha sugin.

Share This Article